Xisbiga KULMIYE oo Sheegay in Xeerka Furista Ururrada dib loogu Celin karo Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa si qoto dheer uga hadlay hawlaha doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka kusoo foolka leh iyo waajibka axsaabta qaranka ka saaran inay si asluub iyo milge leh ugu diyaar garoobaan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Ugu horrayn guddoomiyuhu waxa uu bulshada reer Somaliland iyo ummadda muslimka ahba ku hambalyeeyey curashada bisha Barakaysan ee Ramadaanta, isaga oo Eebbe ka tuugay inuu xanuunka Covid-19 iyo abaaraha jiroba bisha barakaysan darteed ummadda kaga khafiiyo,“Ilaahay barakadeeda ha ina siiyo bisha barakaysan ee Ramadaan ee inoo bilatay, dhammaan shacabka reer Somaliland-na waxan ku hambalyeynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan, xannuunada jirana Ilaahay si khafiif ah ha inoo dhaafiyo, Abaarahana bishaa barakadeeda Ilaahay ha inoogu naxariisto,” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi Dheere.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, waxa uu farriin u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan axsaabta qaranka, waxana uu kula dardaarmay inay ka dheeraadaan cunfiga, kala qaybinta iyo wax kasta oo dhibaato u geysanaya inay doorashooyinka soo socdaa inaga carqaladoobaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dhammaan shacabka reer Somaliland, murrashaxiinta saddexda xisbi ka sharraxan, waxa muhiim ah oo dalkeenna u wanaagsan inay doorashadaasi dhacdo, wixii nabadgelyo-darro keenaya iyo wixii qalalaase keenayaba inaynu dhammaanteen dhinacyada iska taagno sidii ay doorashadu inoogu dhici lahayd baan usoo jeedinayaa axsaabta kale, dhinacayagana waaanu ka ilaalinaynaa wax ay dhibsadaan xisbiyada kale.”
Ugu dambayntii waxa uu guddoomiyuhu qeexay aragtida xisbiga KULMIYE ee la xidhiidha xeerka Diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasadda oo ay dhawaan golaha wakiilladu meelmariyeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay xisbi ahaan ixtiraamayaan madax-bannaanida golaha sharci-dejinta, wixii cabasho ah ee xeerkaas kasoo noqdana ay rajaynayaan in lagu sixi doono tallaabooyinka ka dhiman dhaqangalka xeerka oo aan weli dhammaysan jaranjarooyinkii sharciga ahaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Hargeysa/Somaliland.