Puntland oo soo Bandhigtay Ciidamo iyo Saraakiil ka soo goostay Dowladda Federalka Soomaaliya

Ciidamadda iyo Saraakiisha ka soo goostay Dowladda Federalka Soomaaliya
Ciidamadda iyo Saraakiisha ka soo goostay Dowladda Federalka Soomaaliya

Gaalkacyo (Aftahannews) – Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo iyo saraakiil ka soo goostay dowladda federalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

Waxaana maamulka Puntland ay ciidamadan iyo saraakiishan ku soo bandheen magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Cabdisamad Gallan ayaa sheegay ciidamadan in ay yihiin ciidamo lagu soo tababaray dalka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in ay dowladda federalka kala kulmeen faquuq.

Ciidamadda iyo Saraakiisha ka soo goostay Dowladda Federalka Soomaaliya
Ciidamadda iyo Saraakiisha ka soo goostay Dowladda Federalka Soomaaliya

Saraakiil u hadlay ciidamadan ayaa sheegay in ay qeyb ka ahaayeen 140 askari oo Puntland ka tagay kuna biiray ciidamada dowladda Soomaaliya, balse sheegay in soo laabashadoodii loola dhaqmay si aan wanaag sanayn.

Masuuliyinta Puntland ma ayna caddayn nooca faquuq ee ay la kulmeen ciidamadan iyo taliska ay ka howlgali jireen.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan u soo bandhigay ciidamo ka tirsan Haramcad iyo Gorgor.

Arintan Goosashada ciidamo dowladda federalka, waxay loo arkaa in ay qeyb tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Gaalkacyo/Puntland