Muqdisho (Aftahannews) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay go’aankii Golaha Shacabka ay laba sano oo muddo kordhin ugu sameyeen madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiye Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii aay maanta Golaha Shacabka muddo kordhinta ugu sameyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
“Mudada xil heynta Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waa 4 sano oo ka bilaabata maalinta natiijada Doorashada”ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoonka Aqalka Sare.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com.
Muqdisho/Soomaaliya.