Jabuuti oo Somaliland ugu deeqday nus-milyan xabo oo afsaab-yo ah (Facemasks)

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa soo gaadhay agab  caafimaad oo ah nus-milyan xabo oo afsaab-yo ah, oo uu madaxweynaha Jabuuti ugu deeqay Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Cabdifatax Siciid Axmed, oo la socday diyaarada siday deeqda afsaab-yada ah ayaa warbaahinta warbixin kasiiyay deeqdan.

“Aniga oo xukuumada Jabuuti ay igu soo wareejiyasay deeqdan afsaabka ah, ana waxan jeclahay in aan kusii wareejiyo agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka Jamhuuriyada Somaliland” ayuu yidhi wakiilku.

“Wuxu ka koobanyahay 250 bogos, oo bogos kiiba 2kun oo xabo kujiran, oo wadartiisa guudna ay noqonayso nus-milyan xabo” ayuu wakiilku hadalkiisa sii raaciyay.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland DR. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto la dagaalanka caabuqa Covid-19.

“Deeq dan oo uu soo bixiyay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxa ay waxweyn ka tari doontaa, baahidii loo qabay ka gaashaamashada xanuunka Covid-19”. Ayuu yidhi agaasimuhu.

Deeqdan afsaab-yada ah ee uu madaxweynaha Jabuuti ugu deeqay Somaliland, ayaa noqonaysa deeqdii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay Jabuuti ugu deeqdo Somaliland.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Hargeysa/Somaliland.