Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay Sharciga Golaha Shacabka Soomaaliya ay ka soo saareen jihaynta Doorashooyinka

Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka.

Sharcigan ayaa dhigaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya  ay muddo labo sano ah ku diyaariyaan qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay sharcigan inuu ku yimid kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada uu ku eedeeyay in ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyay Baarlaamnka JFS.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inuu Soomaaliya u jihaynayo doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliya xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay in ayna aqbaleyn faragelinta shisheeye oo lagu sameeyo doorashooyinka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay yihiin arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.