Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Shanaad Noqday Madaxweynaha Dalka Djibouti

Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Madaxweynaha Djibouti noqday 2021
Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Madaxweynaha Djibouti noqday 2021

Djibouti(aftahannews):- Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii shanaad loo doortay Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Djibouti, ka dib markii uu guul ka gaadhay doorashadii maalintii Jimcaha ka dhacday dalkaas.

Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Madaxweynaha Djibouti noqday 2021
Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Madaxweynaha Djibouti noqday 2021

Wasiirka arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti Muumim Axmed Sheekh, ayaa xalay saqdii dhexe shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada oo uu sheegay in Ismaaciil uu helay in ka badan 98% codadka la tiriyey.

Murashaxa kaliya ee la tartamayey oo lagu magacaabo Sakariya Ismaaciil Faarax oo saaxadda siyaasadda ku cusub, ayaa la sheegay inuu helay wax ka yar boqolkiiba 2 codadkii la dhiibtay.

Murashaxani waxa uu shalay diiday inuu codkiis dhiibto, isagoo ku eedeeyay dowladda inay horjoogsatay kor-joogayaashiisa tegi lahaa goobaha codbixinta, haseyeeshee dowladda Jabuuti ayaa beenisay warkaas.

Xisbiyada mucaaradka ayaa hore u qaaddacay inay ka qayb-galaan doorashada oo ay ku tilmaameen mid aan ku dhacayn jawi xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Geelle ayaa markii u horeysay talada dalkaas qabtay sannadkii 1999-kii, xilligaas oo uu xilka kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay laga soo bilaabo xilligii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977-kii.

Waxa uu si weyn ugu guulaystay doorashadii dalkaas laga qabtay sannadkii 2005-kii, isagoo Intii uu kursiga ku fadhiyey  muddo-xileedkaas wax-ka-beddel ku sameeyey dastuurka si uu mar saddexaad ugu tartamo xilka, isagoo ku guulaystay doorashadii 2011-kii. Waxa uu mar kale isu-taagay Doorashadii 2016-kii isagoo ku guulaystay boqolkiiba 87 codadkii la dhiibtay.

Muddo-xileedka cusub ee Shanta sanno ee soo socda loo doortay madaxweyne Geelle oo ku eg sannadka 2026-ka, ayaa haddii uu nolol ku dhammaysto ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalka Jabuuti, waxaanu Shan sannadood oo u dhiganta hal muddo xileed ka badan yahay madaxweynihii isaga ka horreeyey Xasan Guuleed Abtidoon oo  dalka Jabuuti xukumayey muddo 22 sanno ah.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sannadkii 1948-kii ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.