Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

Madaxweyne Siciid Deni

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay qeyb ka mid ah hadal uu Arbacadii warbaahinta u jeediyay wasiirka Warfaafinta Federaalka.

Wuxuu ku eedeyay Madaxweynaha Puntland , Dawladda Federaalka iyo Wasiirka Warfaafinta inay adeegsanayaan hadallo cabsi abuuraya, xilli uu wareysi siinayay telefishinka maxalliga ah ee Dalsan.

Madaxweyne Siciid Deni
Madaxweyne Siciid Deni

“Erayga ah jid iyo jaha diid waxyaabaha aan sheegayay inay cabsi abuurayso qeyb ka mid ah weye, annigu waxaan u dhadhansadey dhiigiina ayaan baneysaneyna oo kale weye waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay oo wasiir Dubbe uu yidhaahdo arrin la isaga hadhi doono ma aha.”ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland , waxaa kalo uu ka hadlay arrimo la xidhiidha shirka Muqdisho ee Dawladda Federaalka ay ku eedeysay inay fashiliyeen labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland.

“Annaga inaanu burburin ayay si rasmi ah noogu sheegeen, qoraal lagu soo qaaday iyo Dubbe waxa uu sheegay kama jawaabayo qoraal rasmi ah oo lagu leeyahay shirkii ma jiro wali ma heyno, inuu sii socdo ayaan rajeynayna”.

Hadalkan wuxuu imanaya xilli Khamiistii war-saxaafadeed ay baahisay beesha caalamka ay u soo jeediyeen hoggaamiyaasha Soomaaliya inay si deg deg ah ugu laabtan wadahadallada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Garoowe/Puntland.