Midowga Musharrixiinta oo War Ka Soo Saaray Fashilka Soo Food-saaray Shirkii Muqdisho, Cidna Farta Ku Fiiqay

Midowga murrashixiinta Soomaaliya
Midowga murrashixiinta Soomaaliya

Muqdisho(aftahannews):- Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Wakhtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya ku eedeeyey in carqaladeyn joogto ah uu ku hayo wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka ka taagan hannaanka doorasho ee dalka lagu waday in laga qabto sannadkan 2021-ka, kaas oo ku kala kaceen Madaxdii shirka fadhiday, ka dib markii la is-mari waayey maanta.

Midowga murrashixiinta Soomaaliya
Midowga murrashixiinta Soomaaliya

Midawga Musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya u taagan oo caawa soo saaray War-saxaafadeed 7 Qodob ka kooban, ayaa walaac ka muujiyey qorsheyaal ay sheegeen inuu Farmaajo maleegayo oo la xidhiidha muddo-korodhsi sharci-darro ah, awood-maroorsi iyo doorasho-diidnimo, kuwaas oo ay ku tilmaameen tallaabooyin burburin kara kala danbaynta iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Ujeedkiisu waxa uu ahaa in shirka u dhexeeya madaxda dawlad goboleedyada iyo dowladda federaalka inaanu miro dhalin. Waxaana caddayn u ah in wasiirkiisa warfaafinta uu farriin maalmo ka hor la duubay ku eedeeyey fashilka shirka madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Midawga Musharrixiintu soo saareen.

Qoraalka oo sii socday, ayaa sidoo kale lagu yidhi; “Goluhu wuxuu ku ammaanayaa Madaxda Dawlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhabar-adayga iyo sabarka ay muujiyeen, welina ay diyaar u yihiin in shirku sii socdo, si loo helo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku dhawaaqay in shirkii burburay.”

Hase-yeeshee, Shirka gogol-xaadhka u ahaa shirka go’aamada masiiriga ah ee doorashooyinka la qorshaynayey in lagu gaadho ee ka socday Xerada Ciidammada Cirka ee Afisyooni ee Xalane, ayaa burburay maanta, waxaanay Xukuumadda Federaalku masuuliyadda Burburka Shirka ku eedaysay Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubalan Axmed Madoobe iyo Siciid Dani, oo ay dhankooda ammaaneen Midawga Musharrixiintu.

Haddaba, Warqadaha War-saxaafadeedka ay caawa soo saareen Midawga Musharrixiinta Soomaaliya oo Nuqullo ka mid ahi soo gaadheen Warbaahinta Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan ee ka bogasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.

Muqdisho/Soomaaliya.