Somaliland: Wefdi Wasiirro ah oo Kormeeray Waddada Barbera Corridor

Wefdi Wasiiro ah oo Kormeeray Wadada Barbera Corridor
Wefdi Wasiiro ah oo Kormeeray Wadada Barbera Corridor

Tog-Wajaale (Aftahannews)- Wefti ballaadhan oo ay hogaaminayaan wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta maaliyadda, Ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Somaliland oo ah guddida madaxweynaha Somaliland u xilsaaray mashruuca Berbera Coridor ayaa gaadhay magaalada Tog-wajaale.

Ugu horreyn weftiga waxa halkaasi ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye iyo maamulka degmada Tog-wajaale.

Weftigan wasiirrada aha ayaa ujeedada safarkoodu ku sheegay kormeerka iyo indho indhaynta halka uu marayo mashruuca Berbera Coridor ee Tog-wajaale, iyo goobta laga hirgelinaayo aagga cashuuraha ka caaggan.

Wefdi Wasiiro ah oo Kormeeray Wadada Barbera Corridor
Wefdi Wasiiro ah oo Kormeeray Wadada Barbera Corridor

Weftiga ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd la yeeshay badhasaabka gobolka Gebilay iyo maamulka degmada Berbera.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay markii uu kulankaasi soo dhammaaday guddoomiyaha degmada Tog-wajaale iyo badhaasaabka gobolka Gebilay oo sheegay in u jeedada socdaalka wefdigu uu yahay sidii ay u indho indhayn lahaayeen mashruuca Berbera Coridor oo qaybtiisa saddexaad ay tahay degmada Tog-wajaale, oo barta ay sii dhex mari doonto waddadaasi oo isku xidhaysa dekedda Berbera iyo Itoobiya.

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland DrSacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo madaxweynaha JSL u xilsaaray mashruuca Berbera Coridor; waxaana ay sheegeen in u jeedada socodkoodu uu yahay inay isla eegaan maamulka gobolka Gebilay iyo ka degmada Tog-wajaale sidii loo dhammays tiri lahaa waxyaabaha mashruuca Berbera Coridor ka khuseeya gobolka iyo degmadaasi.

Dhanka kale, weftigaasi wasiirrada ah ayaa sheegay kaddib kulan dheer oo ay la qaateen maamulka gobolka Gebilay iyo ka degmada Tog-wajaale ay iskula garteen in guddi farsamo loo saaro arrimaha ka khuseeya degmada Tog-wajaale mashruuca Berbera Coridor si uu u fulo mashruucaasi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.