Sudan oo Baabi’say Sharci Mamnuucayay in ay Xidhiidh la yeeshaan Israel

Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin
Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin

Khartoum (Aftahannews)- Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa Salaasadii shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xidhiidh dhexmaro Sudan iyo Israel.

Go’aankan ayaa waddada u xaadhaya hagaajinta xidhiidh diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilooyin kaddib marki ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis nabadeed.

Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin
Wasiirka Mukhaabaraadka Israel Eli Cohen iyo Wasiirka Difaaca Sudan Ibrahim Yasin

Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xidhiidh ay la sameeyaan Israel.

Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israel. Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israel u aqoon dal jira.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.