Xisbiga Waddani oo Xil u Magacabay Guddoomiyihii hore ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA

Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto)
Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto)

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xogeeyaha Warfaafinta ee xisbiga Waddani u magacabay Guddomiyihii hore ee ururka Saxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto).

Xuuto oo markii hore u taagnaa musharax golaha wakiilada ah, ayaa sheegay in ay ku cuslaatay in uu hankiisa musharaxnimo sii wato madama oo musharixii ay isku sidkanaayeen uu ka tanaasulay musharaxnimadiisii.

Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto)
Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto)

“Madama oo reer walba laga rabay in ay keenaan laba musharax oo isku sidkan oo u kala sharaxan golaha Deegaanka iyo Wakiilada, musharixii aanu wada soconayna ka tanasulay musharax nimadisi waxa igu adkatay in aan sii wado” ayuu yidhi Xuuto.

“Kadibna waxanu xisbiga isku afgaranay in aan noqdo xogeeyaha warfaafinta, halkaasi oo aan kasii wadi karo hankayga siyaasadeed” ayuu Xuuto hadalkiisa sii raaciyay.

Jagada xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani, waxa hore u soo qabtay qoraa Boobe Yusuf Ducaale iyo Prof: Ismaaciil Hurre Buubaa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.