Dagaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo ka dhacay Gobolka Siti

dagaalka soomaalida iyo oromada

Siti (Aftahannews) – Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana laga soo sheegayaa khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan odayaal caanka ah deegaanka Soomaalida, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka ay Canfarta ku soo qaaday dhulka Soomaalida.

Dagaalka ugu culus ayaa ka socda tuulada Garba-Ciise iyo agagaarkeeda, waxaana wararku sheegayaan in magaaladaas la hareeyay oo ay Canfartu go’doomiyeen, iyagoo jaray waddooyinkii Soomaalida isaga xidhnayd.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay colaada ka socota gobolka Siti, iyadoo ku soo beegantay xilli abaar culus laga soo sheegayo dhulkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.