Afgambi cusub oo ka dhan Erdogan miyaa laga qorsheeyay Turkiga?

Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Aftahannews)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” iyaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xidha Badda Madow iyo Maditareeniyaanka.

Booliiska ayaa xidhay 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul.

Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka cadhaysiiyay warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo hore uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii.

Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles.

Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub.

Taliyayaasha warqadda qoray ayaa sheegay in xeerka 1936-kii “uu sida ugu wanaagsan u ilaalinayo danaha Turkey.”

Erdogan ayaa Isniintii sheegay in “waajibka admiraalada howlgabka ah – oo 104 ka mid ah ay isku yimaadeen – ayna ahayn inay daabacaan qaraar tusmeynaya afgambi siyaasadeed”.

Marinka Bosphorus
Marinka Bosphorus

“Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yidhi Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare.

Dacwad-oogaha sare ee Ankara ayaa taliyayaasha hore ku eedeeyey “adeegsiga awood iyo rabshado si ay meesha uga saaraan kala dambeynta dastuuriga ah.”

Eedeyntan ayaa hore loogu adeegsaday saraakiisha la xidhay kadib isku-daygii afgambi ee dhicisoobay bishii July ee 2016.

Marin-biyoodka Canal Istanbul ayaa loo arkaa inuu halis ku yahay Russia, sababtoo ah wuxuu gaashaan buurta NATO, oo ay Turkey ka tirsan tahay siinayaa marin ay ku gaadhaan Badda Madow ee Russia.

 

VOA