Dib u dhac ku yimid Shirkii ay maanta u balansanaayeen Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) – Shirkii wadatashiga ee loo balansanaa maanta inuu dhexmaro dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta dib  dhac ku yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug uu shalay u safray magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Qoorqoor  ayaa Dhuusomareeb u tagay si uu ilaaliyo dastuurka Galmudug oo sheegaya in madaxweynuhu muddo ka badan 45 cishe aanu ka maqnaan karin Galmudug.Madaxda kale ayaa isku raacay in shirka berrito dib loogu dhigo.

Shirka Madaxda Soomaliya

Shirka Madaxda Soomaliya

Madaxda weli ma ayna soo bandhigin illaa iyo hadda wax lagu heshiiyay ama la isku afgartay oo ku saabsan waxyaalihii laga wada hadlayay ee arrimaha doorashada ku saabsanaa.

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay wada xaajoodka u socda hoggaamiyayasha siyaasada waxayna ku boorriyeen in ay sii joogaan Muqdisho illaa iyo inta xal laga gaadhayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login