Dowladda Soomaaliya oo Go’aan ka soo saartay Dacwadihii loo haystay Cabdirashiid Janan

Cabdirashiid Janan
Cabdirashiid Janan

Muqdisho (Aftahannews)- Qoraallo ka soo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xidhay gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Cabdirashiid Janan oo loo heystay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, ayay markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lagu cadeynayo in aan loo haysan wax dembi ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa hore dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Gedo ugu soo oogay Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, warqad kale oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xidhay gal-dacwadeedka Cabdirashiid Janan.

Dhawaan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay dalab ah in cadaaladda la hor keeno Cabdirashiid Janan, si loo hubiyo dembiyada lagu eedeynayo.

Hoos ka akhriso Qoraallada ka soo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya