Booliska Dubai oo Xidhay Dalxiisayaal sharciga Dalkaasi ku Xadgudbay

Booliska Dubai oo Xidhay Dalxiisayaal sharciga Dalkaasi ku Xadgudbay
Booliska Dubai oo Xidhay Dalxiisayaal sharciga Dalkaasi ku Xadgudbay

Dubia (Aftahannews)- Booliska Dubai ayaa xidhay koox dalxiisayaal lagu soo eedeeyey iney meel fagaara ah muuqaallo qaaqaawan ay isaga dubeen kaddibna soo dhigay baraha bulshada.

Muuqaalka oo ay dalxiisayaashu Sabtidii baraha bulshada ku baahiyeen waxaa ka muuqda dumar koox ah oo qaaqaawan oo muuqaallo meel fagaara ah isaga duubaya.

Qunsulka Ukraine u jooga Dubai wuxuu sheegay dadka ay booliska Dubai xidheen inay ku jiraan 11 dumar ah oo Ukraine u dhashay.

Booliska Dubai oo Xidhay Dalxiisayaal sharciga Dalkaasi ku Xadgudbay
Booliska Dubai oo Xidhay Dalxiisayaal sharciga Dalkaasi ku Xadgudbay

Warbaahinta Ruushkuna waxay sheegeen dadka la xidhay inay ka mid yihiin muwaaddiniin u dhashay Ruushka.

Qofka oo meel fagaara ah si ulakac ah isugu qaawiya sharciga Dubai wuxuu ku muteysanayaa ilaa iyo lix bilood oo xadhig ah ama ganaax dhan 5,000 oo dirham.

Sharciga dalka Iisutagga Imaaraadka Carabta oo intiisa badan waafaqsan shareecada islaamka waxaa jiro ficillo lagu muteysanayo xadhig oo uu ka mid yahay xidhiidhka dhex maro dadka isku jinsiga ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.