Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Amar Cusub ku soo Rogay TV-yada iyo Shirkadaha Cable-lada Bixiya

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolojiyadda Somaliland, Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu amaro cusub ku soo rogay Telefiishanada iyo Shirkadaha Cable-lada Bixiya.

Wareegtadan uu soo saaray wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa nuxurkeedu yahay dib u cusbooneysiinta hirarka isgaadhsiita iyo adeegsiga  Muuq-baahiyayaasha (Cable TV).

Wasiirka ayaa dhamaan shirkadaha ka shaqeeya adeegaas faray in ay dib u u soo cusboonaysiiyaan ruqsada Hirarka isgaadhsiinta ee ay hore u haysteen, iyagoo soo buuxinaya foonka ay wasaaradu adeegaa u dhigtay.

Sidoo kale, Shirkadaha bixiya adeega muuqbaahiyaha ee guud ahaan dalka ee aan ka diwaangashanayn wasaarada ayuu wasiirku faray in ay isa-soo diwaangeliyaan oo ay qaataan ruqsada hirarka isgaadhsiinta.

Shirkadahaasi ayaanu ku amray inay si deg deg ah ku hergeliyaan wareegtadaas ay wasaaradu soo saartay oo ka bilaabmaysa mudo 30-maalmood ah oo ka bilaabmaysa 5 bisha April 2021 ilaa 5 May.

Hoos ka kahriso wareegtada

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.