Wiil Soomaali ah oo lagu Diley Canada

Toronto (Aftahannews)- Allah ha u naxariistee Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir Somali-Canadian ah ayaa galabnimadii Sabtida lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in Allah ha u naxariistee Haabiil, rasaas lagu furay xilli isaga iyo qof kale oo la socday oo dhaawacmay ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett, iyagoo watay gaadhi.

Sida booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir.

Gaadhiga ay wateen iyo laba bastoolad ayay boolisku sheegeen inay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay uga carareen gaadhigii ay wateen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.