Wefti ka socda Dalka Zambia oo Soo gaadhay Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Wefti balaadhan oo ka socda dalka Zambia ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Somliland ee Hargeysa.

Weftigan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Caddaaladda dalka Zambia Gavin Lubinda.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa si diiran madaarka Cigaal International Airport ugu soo dhaweeyey Weftiga Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda.

Wasiir Liibaan Yuusuf waxa uu tilmaamay in weftiga Wasiirka Zambia ay kulamo yeelan doonaan masuuliyiinta Xukuumadda, iyadoo Salaasadda ee Beri uu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in wadajir ay uga wada hadli doonaan iskaashiga iyo masaalixda labada dal.

Wasiirka Caddaaladda ee Zambia waxa uu hore u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaasi oo ku yaalla koonfurta Qaarada Afrika,  kaasi oo xog ogaal u ah Xaaladda iyo Qaddiyada Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dedaal weyn gelisay inay qaddiyadda Somaliland ka dhaadhiciso dalalka Midowga Afrika oo xiligan ay koradhay dalalka danaynaya inay wax la qabsadaan Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.