Xasan Sheekh oo soo bandhigay Qorshe la doonayay in lagu dilo isaga iyo Sheekh Shariif

Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in 19-kii February la qorsheeyay in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta Radio Kulmiye ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana ayna kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga ahayn.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas aanu dheg jalaq u siin.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliya ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa.

Hoos ka daawo muuqaalka waraysiga

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.