Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Kiisas cusub oo Covid-19 ah

Coronavirus
Coronavirus

Muqdisho (Aftahannews) – Wasaaradda  Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baadhay 1176 ruux.

Warbixinta ayaa sheegtay  in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu Soomaaliya ku hayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Waxa ay intaa ku dartay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore sheegtay in aanu jirin taxadir badan oo ay bulshadu muujinayaa si lagaga hortago khatarta cudurkan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan dadka ku amray in ay waajib tahay xidhashada afsaarka ama Face maska iyadoo qof aan u hogaansamin lagu ganaaxayo lacag dhan $ 5 dollar.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.