Qaramada Midoobay oo ka hadashay Weeraradii Al-shabaab ku qaadeen Bariire iyo Awdheegle

DANJIRE James Swan

Muqdisho (Aftahannews) – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fadhiisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

James Swan ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliya oo uu sheegay in ay si cad u xasuusinayaan sida ay maalin kaste u sameynayaan naf hurnimada ay ku badbaadinayaan shacabka Soomaaliya.

DANJIRE James Swan
DANJIRE James Swan

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliya ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yidhi James Swan.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay askartii ku geeriyooday weerarka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in qasaaro lixaad leh uu ka soo gaadhay iska caabinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.