Maxaa Sababay in Dr. Gaboose uu ka Fadhiisto Siyaasada iyo Dhakhtarnimadii?

Hargeysa (Aftahannews) – DR. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah Dhakhaatiirta waa weyn ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay in uu ka fadhiistay dhakhtarnimadi iyo siyaasadiba.

Gaboose oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in inta noloshiisa ka dhiman uu ku bixin doono, barashada diinta Islaamka, ka shaqaynta arrimaha samafalka iyo in uu wakhti la qaato qoyskiisa.

Gaboose ayaa sheegay in uu dhisay isbitaal weyn oo ay ka hawlgalaan xeel dheerayaal caafimaad sida darteedna uu ka nasan doono hawlihii caafimaadka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.