Xildhibaan ka dayriyey Xaaladda Gobolka Sanaag, Farriina u diray Guddoomiyaha UCID

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka dayriyey xaaladda Gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay in Gobolkani u baahan yahay in wax badan loo qabto, gaar ahaan dhinaca adeegyada aasaasiga ah, waxaanu si gaar ah uga digay dagaal dambe oo dhex mara Beelaha wada dega Deegaanka Shidan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ugu baaqay inuu mar walba miisaamo hadallada uu ku hadlayo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa run ah oo xaqiiq ah in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan Somaliland wuxuu u baahan yahay in wax badan loo qabto, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah, sida Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka, waxaynu ognahay in hadda xanuunka Covid-19, oo dalka aad ugu fiday, gaar ahaan Gobolka Sanaag aad buu ugu fiday xanuunkani, Gobolkuna ma haysto ambalaasyo ku filan ma haysto Shaybaadho, markaas waxaa daruuriya oo muhiim ah in wax kasta oo Gobolku u baahan yahay in loo keeno..”.

Mar uu ka hadlayey dagaalkii dhawaan ka dhacay Shidan wuxuu yidhi “Beelaha wada dhashay ee walaalaha ah ee wada dega Shidan iyo Deeganada kalaba waxaan leeyahay mar walba ku dedaala heshiiskiina, oo fidno dambe yaan la abuurin, cid kasta oo isku dayda inay dagaal dambe ridana waa in gacan bir ah wax lagaga qabta, Odayasha waaweyn ee warbaahinta la soo dhex fadhiisanaya hadallada cadaawadu ku dheehan tahayna waa in wax laga qabtaa, mar kasta wanaagga ha laga shaqeeyo oo samaha ha laga shaqeeyo”.

Mar uu ka hadlaayey Faysal Cali Waraabe ayuu yidhi “Suldaan Da’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaan doonaynaa in aanu ku casuuno Gobolka Sanaag, maadaama uu ka soo jeedo Saldanad fac weyn, Faysal Cali Waraabena waxaan leeyahay waxaad ka soo jeedaa Saldan fac weyn oo taariikh fog leh ee mar kasta hadalladaada miisaan u yeel oo ka fiirso waxaad ku hadlayso, mar kasta waxaa inala quman inaynu dadka reer Somaliland isku soo dhaweynayo, laakiin ma haboona inaynu kala fogayno”

 

Wargeyska Geeska Afrika