Wajigii koowaad ee Shirkii Wadatashiga Madaxda Dowladda Fedaraalka iyo Maamul Goboleedyada oo la soo gaba-gabeeyay

Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya
Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa galinkii dambe ee maanta la soo gabagabeeyay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ilaa saaka ka socday Xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Shirkan oo uu maanta furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna shir guddoominayay oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha 5-ta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa lagaga hadlay dardar galinta iyo hergilinta doorashooyinka Qaranka oo ay aas aas u yihiin heshiisyadii la galay 17-kii September.

Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya
Shirka Watashiga Doorashooyinka Soomaaliya

Ajandayaasha shirka maanta sida weyn lagaga dooday ayaa ahaa howlaha dardar galinta doorashooyinka, waxaana la sheegay iney sii socon doonan waxaana lagu balamay in maalinta berito dib la isugu soo laabto.

Shirkan maanta markii ugu horeysay ay isku hor fadhiisteen madaxda dowladda Fedaraalka iyo dhamaan madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lahaa qaban qaabadiisa Beesha Caalamka oo caadis kala duwan saartay dhinacyadan isku haya siyaasada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.