Qarax ay dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Breaking_news-5

Muqdisho (Aftahannews)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay afar kalana way ku dhaawacantay weerar isqarxin ah oo ka dhacay mukhaayad ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho caawa fiidkii.

Qaraxa ayaa ka dhacay mukhaayad shaaha lagu cabbo oo ku taalla degmada Shingaani.

Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiray will yar oo saqiir ah iyo qofkii is qarxiyay isagoo adeegsanaya jaakad.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhoweyd wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo saldhig boolis.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.