Taliska ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Guulo ka sheegtay Dagaal ay la galeen Al-shabaab

Dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-shabaab
Dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Taliyaha ciidanka dhulka xoogga Soomaaliya Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo saaka ku dhexmaray ciidanka xooga iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in khasaare xoog leh ay gaadhsiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo saaka weerar culus kusoo qaaday saldhigyada ciidamada Xooga Soomaaliya ee deegaanada Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-shabaab
Dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-shabaab

Jenaraal Biixi ayaa sheegay in ciidanka Xoogu ay ka hortageen weerarka Shabaab ku soo qaadeen Saldhigyada ciidan, isla markaana aay ku dileen xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

“Waxaan dagaalkii saaka Al-shabaab kaga dilnay 45 xubnood tiro intaas ka badana waan ku dhaawacnay” ayuu yidhi Jenaraal Biixi.

Majirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee weerarkii saaka ka dhacay deegaanada ka tirsan Sh/hoose, inkastoo lasoo warinayo inuu ka dhashay weerarkaasi khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararkii ugu dambeyay ee haatan naga soo gaadhaya deegaanadii saaka lagu dagalaamay ayaa sheegaya in deegaanadii saaka lagu dagaalamay ay ka socdaan howl galo ciidan uu hoggaaminaayo taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.