Weerar Dhimasho Sababay oo ka Dhacay Agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka

Weerar Dhimasho Sababay oo ka Dhacay Agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka
Weerar Dhimasho Sababay oo ka Dhacay Agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka

Washington (Aftahannews) – Weerarkan oo ka dhacay albaabka hore ee Aqalka Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa Booliiska halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaadhi ayaan ku dhacay sida xogta lagu helay xayndaabka laga ilaaliyo amniga dhismaha Baarlamaanka  US Capital iyadoo intaa kaddibna darwalkii gaadhiga wadday uu toorray ku boobay askariga oo goobta ku dhintay.

Rasaas ay furreen ciidamadii goobta ka dhawaa ayaa waxaa ku dhintay qofka la tuhusan yahay in uu weerarkan geystay, sidoo kale waxaa weerarkan ku dhaawacmay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska.

Weerar Dhimasho Sababay oo ka Dhacay Agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka
Weerar Dhimasho Sababay oo ka Dhacay Agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka

Yogananda Pittman oo ah ku simaha taliyaha goobtan uu weerarka ka dhacay ayaa yidhi “Niyad ahaan, aniga oo tiiraanyaysan ayaan ku dhawaaqayaa in mid kamid ah saraakiisheena uu u dhintay dhaawacii soo gaadhay”.

Sidoo kale, waxaa weerarkan cambaareeyay madaxweynaha dalka Maryekanka Joe Biden oo sheegay in uu ka naxay dhimashada askariga.

William “Billy oo ah askariga dhintay ayaa la sheegay in uu muddo dheer ka shaqeynayay goobta uu weerarka ka dhacay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.