Musharrax Maxamed-amiin Cabdi Cilmi Dixood oo Raashin & Biyo Gaadhsiiyey Deegaanno Gobolka Hawd Ka Tirsan

Hargeysa(aftahannews):- Musharrax Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood oo Mid ah Musharrixiinta u taagan Golaha Wakiillada, isla markaana Xisbiga Waddani uga Sharraxan gobolka Maroodi-jeex, ayaa Deeq Raashin kala duwan ah iyo Booyado Biyo ah gaadhsiiyey Kun Qoys oo ku kala nool deegaannada Habaas-wayn, Jabaaqe, Widhwidh iyo Warta Maxamed-Fanax oo ka tirsan gobolka Hawd.

Musharraxa waxa hawlgalkan Deeqda Raashinka ah loogu qaybiyey Kunka Qoys ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise, Wax-garad Deegaannadaas ka soo jeeda iyo Xubno kale.

Bulshada Deeqda la gaadhsiiyey iyo Odayaasha Deegaannadaas, ayaa Musharrax Maxamed-amiin uga mahad-naqay Raashinka uu gaadhsiiyey xilligan oo lagu jiro wakhti adag oo Abaar ba’ani ka jirto deegaannada, isla markaana ay sababtay biyo iyo baad la’aan, iyagoo sheegay inay abaal weyn ugu hayaan sida uu ugu damqaday, mudan yahayna inay Codkooda siiyaan maalinta doorashada.

Odayaash, Wax-garadka iyo Haweenka ka tirsan Dadka Deegaannadaas kala duwan ku nool ee Deeqda Raashinka iyo Biyaha ah la gaadhsiiyey, ayaa waxay u duceeyeen Musharrax Maxamed-amiin Cabdi Cilmi Dixood oo ay sheegeen inuu yahay Musharrixii ugu horreeyey ee damqasho u muujiya Dadka deegaannadaas, isla markaana uu yahay Musharrixii ugu horreeyey ee Deeq Raashin ah gaadhsiiyey Dadka deegaannadaas, sidoo kalena Booyado Biyo ahna uu hore u gaadhsiiyey, iyaguna ugu abaal-gudayaan Codkooda inay siiyaan Musharraxaas.

Musharrax Maxamed-amiin Cabdi Cilmi Dixood, ayaa sheegay in ujeedka Deeqdan ay gaadhsiiyeen Dadka deegaannadaas aanay xilligan ka ahayn olole, balse ay ka tahay in damqasho u muujiyaan Dadka ay saameeyeen Abaaraha sababay biyo iyo baad la’aan. Waxaanu Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa Caalamiga ahba ugu baaqay in loo baahan yahay inay qayb ka noqdaan Gurmad ay u baahan yihiin Dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ay Deeqdan gaadhsiiyeen. Waxaanu Bulshada deegaannadaas ugu baaqay inay qaataan kaadhka Codbixinta ee ay Safafka dhaadheer u galeen wakhtigii diiwaangelinta.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, ayaa u mahad-naqay Musharrax Maxamed-amiin Dixiid oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah Musharrixiinta ugu muddakarsan ee ay Xisbi Waddani ahaan ka sharraxeen gobolka Maroodi-jeex, sidaas awgeedna loo baahan yahay inay Codkooda ugu hiiliyaan marka la gaadho maalinta doorashada.

Warkaas oo dhammaystiran, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Hawlgalka oo maalmihii u dambeeyey uu waday Musharrax Maxamed-amiin, waxaana Dadka ku nool deegaannadaas Deeqda la gaadhsiiyey isugu jirtaa Raashinka sidiisa u diyaarsan ee nafaqaysan, Raashinka adag, Saliid iyo Booyado Biyo ah, kuwaas oo ay aad ugu baahnaayeen Dadka deegaannadaas oo ka mid ah meelaha ay Abaaruhu saameeyeen. Guud ahaan Dadka deeqdaas la gaadhsiiyeyna si diirran ayey uga mahad-celiyeen, uguna ammaaneen Musharrax Maxamed-amiin masuuliyadda uu isa saaray iyo damqashada uu u muujiyey Dadkiisa reer Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.