Kooxaha Xuquuqda Aadanaha oo ka dayriyay Xidhitaanka Xeryaha Qaxootiga Kenya

Xeryaha Qaxootiga Kenya
Xeryaha Qaxootiga Kenya

Nairobi (Aftahannews) – Kenya ayaa ku amartay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xidhayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.

In kasta oo ayna ahayn markii ugu horreysay ee Kenya ay ku hanjabto inay xidhayso xeryaha, haddana kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegaya in amarkan uu khatar gelin karo nolosha qaxootiga.

Otsieno Namwaya oo ah cilmi baadhe sare ka tirsan Human Rights Watch, ayaa sheegay in qaxootiga ku laabanaya wadamada xasaaradaha badan sida Soomaaliya ay tahay arin khatar ah.

Xeryaha Qaxootiga Kenya
Xeryaha Qaxootiga Kenya

Hadal ay soo saartay UNHCR ayay ku sheegtay in tallaabadani ay si xun u saamayn doonto nolosha qaxootiga, gaar ahaan iyadoo kusoo beegantay xilli uu cudurka COVID-19 aad usii faafayo.

Xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhac ku yimid sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Muqdisho ay ku eedeysay Nairobi inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha. Kenya way beenisay sheegashadaas.

Kenya waxay martigalisay qaxooti fara badan oo Soomaali ah tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalkuna uu galay dagaal sokeeye.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.