Somaliland: Shirkii Golaha Wasiirada oo Lagaga hadlay Doorashooyinka, Abaaraha iyo Covid-19.

Shiraka golaha Wasiirada Somaliland
Shiraka golaha Wasiirada Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Fadhigii t73aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta caafimaadka iyo diinta iyo Awqaafta. Iyadoo goluhuna meel cad iska taagay arrinta doorashooyinka inagu soo foolka leh.

Ugu horreyna Goluhu waxa uu u duceeyey intii ku dhimatay Xanuunka Covid 19, inta xannuunku hayana in Alle caafimaad taama siiyo, kana kiciyo.

Shiraka golaha Wasiirada Somaliland
Shiraka golaha Wasiirada Somaliland

Waxaanu Goluhu war-bixin ka dhagaystay labada guddi-hoosaad ee golaha wasiirrada ee kala ah guddida abaaraha iyo guddida Covid 19, waxaana la isla gartay in dhibaatooyinka Covid 19, abaarta iyo biyo yaraanta lagaga  bixi karo midnimo, wada-jir iyo baryada Eebbe. Waxaanay labada guddi uga warbixiyeen sidan:-

War-Bixinta Guddida Abaaraha

In Xukuumaddu 16-kii (lix iyo toban) maalmood ee u dembeeyey ay biyo dhan 6,650 Foosto gaadhsiisey 133 Tuulo (boqol iyo saddex iyo soddon) oo ku kala yaalla Gobollada Togdheer, Sool, Sanaag, Saraar iyo Maroodi-jeex, kharashka ku baxayna uu dhan yahay Toddoba iyo afartan kun oo doollar ($47,000).

Si loo helo biyo, loogana baxo biyo yaraanta xukuuaddu waxay dayactirtay ceelal ku kala yaalla Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex, Buuhoodle, Daad-madheedh iyo Gabiley, kuwaas oo ay ku baxday lacag dhan saddex iyo toddobaatan kun toddoba boqol afar iyo soddon kun oo dollar ($73,734).

War-Bixinta Guddida Covid 19

In dadka Somaliland illaa hadda ay tallaalkii Covid 19 qaateen 17,000 (Toddoba iyo toban Kun) oo qof.

In Axadda shir qaran la qaban-doono oo ay qayb ka noqon doonaan ganacsatada dalku, kaas oo lagu gorfaynayo habkii loo heli lahaa awood dhaqaale oo lagu soo iibiyo tallaal, maaddaama tallaalka hadda yaallaa ku filnayn bulshada Somaliland, intaa ka dibna loo hawlgalo sidii tallaal dalka loo keeni lahaa.

In qaar ka mid ah saaxiibbada Somaliland oo balanqaaday deeq tallaal ahi ay keeni doonaan dalka.

Maaddaama xanuunka covid 19 tirada dadka u dhimanaysa iyo inta u soo dhacaysaaba sii kordhayso, goluhu waxa uu go’aamiyey in la hakiyo abaabulkii diyaargarawga iyo isu soo bixii 30 guuradii 18 May 2021, isla markaana Dhaqaalihii ku baxayey xuska 18 May lagu xoojiyo kharashkii lagaga hawl-galayey  abaaraha iyo Covid 19.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, ahna wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda, oo golaha siiyey war-bixin ku saabsan hirdanka siyaadda geeska iyo tan caalamkaba, war-bixintaas ka dib, goluhu waxa uu go’aamiyey in Somaliland siyaasad ahaan ay waddo nabad-gelyo iyo daneheeda ka raacdo siyaasadaas, isla markaana ku dedaasho in ay meel dhex-dhexaad ah ka istaagto arrimaha geeska iyo kan caalamkaba.

Ugu danbayn goluhu waxa uu go’aamiyey in aan doorashada hakad loo gelin-doonin abaaraha iyo xannuunka Covid 19 awgood, doorashaduna ku qabsoomi doonto wakhtigeedii, hase yeeshee la dardar-gelin doono dedaalka iyo hawlgalka abaaraha iyo Covid 19.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.