Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Swedan oo ka wadahadlay arrimaha doorashada

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Swedan
Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Swedan

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kula kulmay halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Safiirka wadanka Swedan Danjire Staffan Tillander.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo danjire Staffan ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu fudud ay u qabsoomi karaan doorashoyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Swedan
Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Swedan

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maalmahii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha caalamka, kulamadaas oo dhamaantood la xidhiidhay sidii wax lagaga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudboon doorashada Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya dadaalo xoogan ay magaalada Muqdisho ka wadaan Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ku dadaalaya sidii xal waare lagaga gaadhi lahaa khilaafka ba’an ee ka dhex jira dhinacyada Soomaalida ee isku haya doorashada Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.