Cabdirashiid Janan oo shaaciyay sababtii ay isku khilaafeen Axmed Madoobe

Cabdirashiid Janan
Cabdirashiid Janan

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u eedeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Cabdirashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay sababaha aay isku khilaafeen madaxweyne Axmed Madoobe inay tahay inuu isaga kaliya jecel yahay inuu noqdo qofka ugu sareeyo iyo qofka ugu hooseeyo ee Jubbaland, isla mar ahaantaana aanu ogoleyn qof kale inuu wax ahaado, waa sida uu hadalka u dhigay Cabdirashiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

Cabdirashiid Janan
Cabdirashiid Janan
“Saaxiibkay Axmed Madoobe waxaan u sheegay in uu kaligiis rabbo afkaartiisa lagu socdo, qofkii ka fikir duwana aanu doonaynin” ayuu yidhi Cabdirashiid Janan.
Janan ayaa sidoo kale ku eedeyay Axmed Madoobe inuu ku fashilmay muddo laga joogo laba sano doorashadiisii kadib inuu soo magacaabo Golahiisa wasiirada maamulka Jubbaland.Eedeynta kulul ee kasoo yeedhay Cabdirashiid Janan ayaa imaneysa xili dhawaan dowladda Soomaaliya ay keentay magaalada Muqdisho kadib heshiisyo ay wada galeen isaga iyo dowladda Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.