Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey

Muqdisho (Aftahannews) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah waxay ka yeesheen xaaladaha cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxayna baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka Qaramada Midoobay ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxayna madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqeen iney si deg deg ah dalka uga qabtaan doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda xasilooni iyo Caddaalad.

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan la joogo loo baahan yahay doorasho ka dhacda Soomaaliya oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan dhinacyada isku haaya ismari waaga ka taagan doorashooyinka dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale Golaha Ammaanka isla qaateen qoraal ay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska kaasi oo ahaa mid walaac looga muujinayay xaalada kala guurka ah ee dalka Soomaaliya.

Kulankan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa imanaya xili wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ilaa haatan aanan laga gaadhin wax natiijo ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.