Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Shaaciyay inuu ka Bogsaday Xanuunka Covid-19

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Guddoomiyaha Guddiga la dagaalanka Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inuu ka bogsaday Xanuunkaasi oo laga helay muddo Laba Toddobaad ka hor ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo aan Warbaahinta ka soo muuqan tan iyo markii Xanuunkaasi laga helay, ayaa qoraal uu Shalay ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay Isniintii lagaga waayay Xanuunka Covid_19, sidaasi darteed uu ka bogsaday Xanuunkaas.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qoraalkiisa oo koobnaa ku yidhi “Ka dib markii shalay (Isniintii) la iga qaaday tijaabadii caafimaad ee COVID-19 waxa Alle mahadii ah inaan noqday “NEGATIVE”, oo aan xanuunkaas ka ladnaaday.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu u Mahad-naqay Dadweynaha reer Somaliland “Waxaan u mahadnaqayaa shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan ummada kale ee ii soo ducaysay.” Ayuu yidhi.

Xanuunka Covid_19 ee Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inuu ka bogsaday, ayaa xilligan faro-baas ku haya Shacabka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, waxaana Maalinba Maalinta ka dambaysa sii kordhaya Dadka u dhimanaya, sida laga soo xigtay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeya/Somaliland.