Gobolka Awdal oo ay ka Bilaabmatay Qaadashada Kaadhadhka Codayntu

Boorama (Aftahannews)  – Waxaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal si rasmi ah uga bilaabmay qaadashada Kaadhka codbixinta.

Munaasibada shaacinta qaaadashada kaadhadhkaas waxa hadal ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka komishanka doorashooyinka qaranka Mustafe Daahir Dhawal waxaanuu guud ahaan bulshada ku nool gobolka Awdal u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaas qaadashada kaadhadhka codbixinta, waxaanuu xusay marka ay dhamaadaan labada laal-mood ee bixin kaadhadhkaasi ay goobo gaar ah oo lagu soo reebi doono kooxo kooxo ka sii shaqayn doona bixinta kaadhadhkaas, taas oo muddo kooban sii socon doonta.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI oo goobtaas ka hadlay ayaa dadwaynaha u soo jeediyay inay qaataan kaadhadhkooda cod bixinta.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dal-xiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa guud ahaan dadweynaha ku nool gobolkaas u soo jeediyay in ay qaatan kaadhadhka, si ay u soo doortaan xildhibaanada goleyaasha wakiilada iyo degaanka, ee ku habaan inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo danaha guud ee gobolka Awdal iyo degmada Boorama.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.