Xisbiga Kulmiye oo Fariin ku saabsan Qaadashada Kaadhka Codbixinta u diray Bulshada ku nool Gobolada Dalka

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Gobolada Maroodi Jeex, Togdheer iyo Awdal in ay ka faa’iidaystaan qaybinta Kaadhka Codbixinta oo goboladaasi ka socota.

Axmed Cabdi Dheere gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE sheegay in fursada kaadh qaybintu ay tahay mid muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka, waxaanuu xusay in cidii aan ay dhaafaan maal-maha goboladaas ay ka socoto kaadh qaybintu komishanka doorashooyinku ay meelo cayiman kooxo ka shaqayn doono bixin kaadhadhkaas ku reebi doonaan.

Ugu dambayn gudoomiye Axmed Cabdi Dheere wuxuu dadka gobladaas kala duwan ka qaadanayaa kaadhadhka ku dhiiriyay inay fuliyaan tilmaamihii ka soo baxay guddida heer qaran ee xakamaynta xannuunka Covid 19.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.