Xildhibaano Laga Hor Istaagay Kulankii Baarlamanka Soomaaliya iyo Sababta

Xildhibaan Mahad Salaad
Xildhibaan Mahad Salaad

Muqdisho (Aftahannews) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan koontaroolka Isgoyska Dabka ayaa saaka u diiday iney ka gudbaan koontarool kaasi Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa sida uu sheegay Xildhibaanada laga celiyay koontaroolka Dabka ayaa qoraal uu soo saaraay ku sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo la socday ay ciidamada Booliiska Soomaaliya u diideen iney u gudbaan dhinaca Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad
Xildhibaan Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu ka mid ahaa 15 Xildhibaan uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu ka joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka.

“Isgoyska Dabka ayaa ciidamo Farmaajo ka amar qaata hadda naga hor istaagay aniga iyo Xildhibaano kale, Mas’uuliyadda waxii na soo gaadha Maxamed Mursal ayaa qaadaya” ayaa yidhi Xildhibaan Mahad Salaad.

Saaka ayaa waxaa shacabka Muqdisho ku soo tooseen iyadoo inta badan Isgoysyada muhiimka ah aay u xidhan yihiin ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.