Puntland iyo Jubbaland oo ku eedeeyay dowladda federalka in ay xagal daacinayso in la isku yimaado

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Muqdisho (Aftahannews) – Puntland iyo Jubbaland oo war ay soo saaray ayaa waxay walaac xooggan kaga muujiyeen in madaxda dowladda federalka ay xagal daacinayaan qabsoomida shir loo dhan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa sheegay in muddo saddex asbuuc ah ku sugan yihiin Muqdisho islamarkana ay halkaas u tageen dalab kaga yimid beesha caalamka, si ay uga qeyb galaan dhameystirka heshiiska doorashada ee 17ka September 2020.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxay ka digeen in kulanka oo sii dheeraada uu keeni karo in masiirka ummadda Soomaaliyeed uu mugdi galo.

Halkan hoose ka akhriso qoraalkii kasoo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.