Somalia: Golaha Shacabka oo yeeshay kulan uu Muran badan hadheeyey

Muqdisho (Aftahannews)- Fadhigii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta furmay, iyadoo xubnaha baarlamaanku ay warbixin ka dhagaysteen wasiirka Caafimadka Fowsiya Abuukar Nuur.

Qodobada kale ee lagaga hadlay kulanka maanta ayaa la sheegay inay ka mid yihiin ansixinta xubno ka dhiman Guddiga Federaalka iyo Xuduudaha; iyo ansixinta Sharciga Qaxootiga.

Shirkan ayaa dhacaya iyadoo ciidamo la dhigay waddooyin ka tirsan magaalada. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo dhowaan laga joojiyey ka qaybgalka ilaa shan kulan oo kuwa baarlamaanka ah ayaa iyaguna mar kale sheegay in laga hor-istaagay tegitaanka kulankii maanta.