Kulmiye oo Gudbiyey Liiska Murrashaxiintiisa

Xisbiga Kulmiye oo gudbiyay Liiska murrashaxiintiisa
Xisbiga Kulmiye oo gudbiyay Liiska murrashaxiintiisa
Hargeysa(Aftahannews) – Xisbiga KULMIYE, ayaa ku wareejiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka guud ahaan liisaska murrashaxiintiisa uga tartami doona gobollada dalka doorashada Golaha Wakiillada oo qayb ka ah doorashada is-barkan ee u muddaysan in la qabto 31-ka bisha May ee sannadkan 2021.
Guddoomiyeyaasha xisbiga KULMIYE ee lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland oo qaarkood ay wehelinayeen xubno masuuliyiin heer qaran ahi, ayaa liisaska murrashaxiinta xisbigu u xulay inay ku metelaan doorashada Golaha Wakiillada ku kala wareejiyey xafiisyada Guddiga Doorashooyinku ku leeyihiin lixda Gobol saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey (28, 29 iyo 30 March ee sannadkan 2021), iyadoo saraakiisha Komishanka ee gobolladuna ay si buuxda ugu guddoomiyeen.
Xisbiga Kulmiye oo gudbiyay Liiska murrashaxiintiisa
Xisbiga Kulmiye oo gudbiyay Liiska murrashaxiintiisa
Sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Somaliland ee Xeer Lr. 91/2020, waa in xisbiyada Qaranku liisaska murrashaxiinta Golaha Wakiillada u gudbiyaan ugu dambayn lixdan maalmood ka hor maalinta doorashadu dhacayso, waxaana xisbiga KULMIYE gudbiyey liisaska ka hor maalinta u dambaysa ee waqtiga sharcigu dhigayo oo ku beegan 31-ka
bishan March.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.