Puntland: Wefdi ka socday Dowladda Imaaraatka oo loo diiday in ay kormeeraan dekeda Garacad laga dhisayo

Dekeda Garacad laga dhisayo
Dekeda Garacad laga dhisayo

Mudug (Aftahannews) – Wefdi ka socday dowladda Imaaraatka Carabta ayaa loo diiday in ay ka dagaan deegaanka Garacad oo katirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Dadweyne ku sugan Garacad ayaa la sheegay in ay ka hor yimaadeen in diyaaradda sida wafdiga Imaaraatka iyo masuuliyiin katirsan Puntland ay ka degto halkaas.Diyaaradda ayaa dib ugu laabatay magaalada Garoowe oo ay markii hore kasoo duushay, waxaana socda wada hadal.

Puntland ayaa deegaankaas xalay geysay ciidamo ka tirsan kuwa mariiniska oo uu Imaaraatku taageero, kuwaas oo loo geeyay in ay sugayaan ammaanka wafdiga UAE.

Dekeda Garacad laga dhisayo
Dekeda Garacad laga dhisayo

Warar la helayo waxay sheegayaan in ujeedada socdaalka wafdigan uu yahay inay kormeer ku sameeyaan dekeda Garacad laga dhisayo, taasoo ah deked isku tashi ah lagu dhisayo.

Waxana la ogaaday in sababta dadweynuhu u diidan yihiin wafdiga UAE ay tahay, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka ay doonayaan inay ku lug yeeshaan dekedda Garacad, balse si dhab ah warkaas looma hubo.

Imaaraatka oo iska leh shirkadda DP-world ee maamusha dekeda Boosaaso, ayaa heshiiskeeda waxaa kamid ah in aan wax deked ah laga sameyn karin xeebaha u dhow Boosaaso.

Inkastoo Garacad ay boqolaal km u jirto Boosaaso, haddana waxaa hubaal ah in ay saamayn ku yeelan doonto dekeda magaalada Boosaaso, oo tan iyo markii DP World ay la wareegtay maamulkeeda uu hoos u dhac weyn ku yimid.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.