Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka Digay Heshiis Milateri oo ay Soomaaliya la galayso Ethiopia iyo Eritrea

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) – Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si weyn uga digay heshiis milatari oo dhawaan ay wada gaadhi doonaan Soomaaliya, Eriterea iyo Ethiopia.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in heshiiska noocaas ah uu khatar ku yahay Soomaaliya, balse tafaasiil dheeraad ah kama aanu bixin nooca uu yahay heshiiskaas.

“Heshiiska Amni iyo Difaaca ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxey noqon kartaa arin walaac dhab ah leh ” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Hadalkan ayuu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Sannadkii 2018 Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa wada galay heshiis ku saabsan adkaynta nabad galyada.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in laga takhalusiyo halista guud ee ay wada wajahayaan saddexda dal, taasoo ah argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya ee mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu ku wajahan yahay dalka Ethiopia, halkaas oo uu shir ku dhexmaridoono saddexda dal.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login