Xisbiga Waddani oo Musharrixiinta Madaxtooyada dib ugu doortay Guddoomiye Cirro & Ku-xigeenkiisa

Hargeysa(Aftahannews)- Shirweynaha Saddexaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay  Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay  Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu noqdo Murrashaxa  Madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana dib loogu cugtay Maxamed Cali  Aw Cabdi.

Shirkan waxa hadallo kala duwan ka jeediyey  Guddoomiyeyaasha Xisbiga Waddani  ee Gobollada dalka, Afhayeenka  Xisbigaas  Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha guud ee xisbigaas Khadar Xuseen Cabdi, waxana ay ka hadleen tallaabooyinkii xisbigu qaaday muddadii u dambaysay iyo qorshaha xisbiga ee la xidhiidha Arrimaha Doorashooyinka ka qabsoomaya dalka. Waxa kaloo ay ka hadleen sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbigooda ee doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro) oo ka hadlay shirkaas ayaa  si qotodheer uga warramay marxaladihii uu xisbigaasi soo maray, waxaanu  ku tilmaamay tudhaale badan u sameeyey dalka isla markaana waxaanu xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay ilaalinta wadajirka ummadda reer  Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xaqiijiyey in xisbiga WADDANI ay mudnaan weyn siinayaan sidii  loo kobcin lahaa Waxbarashada heerarkeeda kala duwan iyo dhaqangelinta siyaasadda qaranka ee sugida cuntada.

Guddoomiye Cirro waxa kaloo uu  caddeeyey inay balanqaadayaan in ay Ciidamada dalka u kordhiyaan mushaharka Boqolkiiba 250%, haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Waxa kaloo uu Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka ku bogaadiyey inay markii kowaad ka heshiiyeen in laba doorasho oo isku sidkan  laga wada qabto dalka,taasi oo uu ku sifeeyey horusocod ballaadhan, waxaanu soo jeediyey in Doorashooyinku mustaqbalka noqdaan qaar  aan dib uga dhicin wakhtiga loo qabto.

Guddoomiye Cirro waxa uu  shacbiga  Somaliland u soo jeediyey inay  qaataan tallooyinka caafimaad ee ka soo baxa Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana la qaato tallaalka Xannuunka COVID 19.

Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa  uu dadweynaha u soo jeediyey inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada reer Somaliland.

Shirkan waxa  Xisbiga WADDANI mar kale u doorteen Cabdiraxmaan Cirro inuu noqdo Murrashaxooda madaxweynaha, waxana u coddeeyey 312 ergay, waxa diiday hal  qof, cid ka aamustayna ma jirin.

Sidoo kale, waxa isna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay  Maxamed Cali Aw Cabdi,waxaana  u coddeeyey  306 ergay,  5 qof ayaa diiday, hal qofna wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codeyn.

Labada murrashax ayaa u mahadceliyey ergadii dooratay waxaanay sheegeen inay ku shaqeyn doonaan siyaasadda xisbiga iyo danta guud ee dalkaba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.