Somaliland oo Xidhaysa Dugsiyada Waxbarashadda Cudurka Covid-19 awgii

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xidhayo dugsiyada waxbarashada xilli uu dalka si ba’an ugu faafayo xanuunka Covid-19.

Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.

Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Somaliland uu fara ba’an ku haya cudurka Covid-19 iyo abaaro baahsan oo saameeyay howlaha waxbarashada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.