Ismariwaa wali ka taagan kulamada madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxda dowlad gobolleedyada
Madaxda dowlad gobolleedyada

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf cusub oo hadheeyay kulamadii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya si xal kama danbeys ah lagaga gaadho ismariwaaga doorasho.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood ka biyo diideen dalab ka yimid madaxda dowlad gobolleeyada Puntland iyo Jubbaland oo ku adkeysanaya in shirweynaha lagaga hadlayo arrimaha doorashada laga soo qeybgaliyo midowga musharixiinta iyo guddoomiyaha Aqalka sare oo ay ku wada jiraan isbaheysiga ”Badbaado Qaran”

Sidoo kale, doodda ugu culus ayaa ka jirta ajandaha shirka, amniga goobta kulanka lagu qabanayo iyo awoodaha madaxweynaha ee hoggaaminta shirka.

Madaxda dowlad gobolleedyada
Madaxda dowlad gobolleedyada

Laakiin dalabkan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland  ayaa lagu waramayaa in ayna ku qancin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada kale Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo qaba in kulamada doorashadu noqdaan kuwo u dhaxeeya oo kaliya Madaxda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kulamadan oo waayadii ugu danbeeyayba ka socday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaan ilaa iyo hadda wax natiijo ah ka soo bixin, inkastoo wakiilada beesha caalamka rajo ka muujinayaan in ugu danbeyntii leysku afgaran doono qabashada shirweyne looga hadlayo hannaan leysku waafaqsan yahay oo lagu wajahayo doorashada Soomaaliya oo siweyn uu dib u dhac ugu yimid.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.