Somaliland: Komishanka oo Kala Diray Gaadiidka & Hawl-wadeennada Wacyigelinta Kaadh-qaadashada 3 Gobol

Hargeysa(aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama ka kala diray Gaadiidka iyo Hawl-wadeennada wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta oo qaybintiisu gobolladaas ka bilaabmi doonto 31-ka bishan Maarso.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Qaran, heer Degmo iyo Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani, ayaa Bulshada farriimo uga diray Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco ee Hawlwadeennadaas laga kala diray Salaasadii Maanta.

Warkan oo dhammaystiran, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com.

Hargeysa/Somaliland.