Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey Xilliga ay Kaadhqaadashadu Ka Bilaabmayso Togdheer, Awdal iyo Maroodi-jeex

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), oo Maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa Sheegay in 31 bishan Maarso ay gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer ka bilaabmi doonto qaadashada Kaadhadhka Codbixinta, 30-ka bishana la kala diri doono Gaadiidka, Agabka iyo Hawl-wadeennada ka shaqaynaya Kaadh bixinta oo goobaha loo Cayimay ee gobolladaas ka soCon doonta muddo saddex maalmood ah.

Waxa uu Guddoomiyaha guddiga doorashooyinku Bulshada gobolladaas ee Kaadhadhka qaadanaysa u soo jeediyey inay jaaniska ka faa’iidaystaan maaddaama qofka fursaddani dhaaftaa dib u heli doonin Kaadhkiisa, isla markaana raacaan tilmaamaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee Ka hortagga Sadhada COVID-19 oo Dalka Dib uga Dillaacay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac

Guddoomiye Riyo-raac, waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya qaybtinta kaadhadhka saddexdaas gobol loo diyaar-garoobayo doorashada isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiilladda oo u muddaysan 31-ka bisha May ee 2021-ka, waxaanu u Mahad-naqay Xukuumadda, Xisbiyada iyo Beesha Caalamka.

Haddba, Guddoomiyaha oo arrimahan Sharraxaya, Baaqna diraya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.