Puntland oo eedeymo kulul u jeedisay Dowladda Federalka

Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan
Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan

Garoowe (Aftahannews) – Wasiirka amniga maamul goboleedka Puntland Cabdisamad Gallan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in dowladda federalka Soomaaliya ayna wax dareen ah ka muujin weerarkii dhawaan kooxda Al-shabaab ku qaaday xabsiga magaaladda Boosaaso.

Wasiirka amniga ayaa caddeeyay in weerarkaas ay Al-shabab ku guulaysteen in ay xabsiga Boosaaso kala baxeen maxaabiis isugu jirtay Al-shabab, Daacish iyo dad gacan ku dhiiglayaal ah oo xukunaa.

Cabdisamad Gallan wuxuu sheegay taas bedelkeed in ay dowladda federalka isku dayday in ay amni xumo ka sameyso magaalooyin nabad ah oo Puntland ku yaalla si ay colaad uga kiciso.

Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan
Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan

“Waxa ugu yar ee aan ka sugaynay dowladda dhexe waxay ahayd in ay damqasho ka muujiyaan wixii dhacay iyo in ay dhiirri galin u sameeyaan ciidamada ka hor tagay argigixisadaas dhibka la damacsanaa Puntland iyo shacabkeeda,” ayuu yidhi wasiirka amniga.

“Xaashaa lillaahi ma dhicin taas, waxaad ka wada dharagsan tihiin in magaalooyinka nabad galyada ku naaloonaya oo ay ugu dambeysay Dhahar, in ay isku dayeen in ay fad qalalo ka abuuraan oo colaad ka kiciyaan, dadkana hubeeyeen” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka amniga Puntland wuxuu ku eedeeyay masuuliyiin dowladda federalka ka tirsan in ay barahooda Facebook-ga ku buun buuniyaan dhacdooyinka lidka ku ah amniga Puntland, isagoo tilmaamay in ay muujinayso in dowladda federalka aan laga sugin karin wax Soomaali midayn kara.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.