Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo Lagu Soo Kordhiyey Qayb Haweenka Si Gaar ah ugu Adeegaysa

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, oo ay weheliso Drs Edna Aadan Ismaaciil, ayaa furay Qaybta Waadhka Umulaha iyo Dawaynta Xanuunnada Dumarka oo laga hirgeliyey Usbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Waxaa Munaasibaddaas ka qaybgalay, Wasiirrada Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Wasiir- ku-xigeennada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Agaasimaha guud ee aafimaadka, Badhasaabka gobolka iyo Xubno kale.

Ugu horreyn Drs Faadumo Xaashi Iimaan oo ka mid ah dadka doorka weyn ka qaatay hirgelinta Qaybtan Haweenka u gaarka ah, ayaa ka warbixisay adeegyada laga heli doono goobtaas iyo muhiimaddeeda.

Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu ka warramay sida qaybtani ku dhisantay iyo hawsha ay qaban doonto.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo halkaas ka hadlay, ayaa Ka Warbixiyey qaabka Qaybtan usub dhismeheedu u hargelay.

Dr. Edna Aadan oo halkaas ka hadashay, ayaa ka warrantay Taariikhda Usbitaalka guud ee marxaladaha uu soo maray, waxaanay farriin u dirtay Madaxweynaha Somaliland oo ay u soo jeedisay inuu Billad-sharaf ku maamuuso Drs. Faadumo Xaashi Iimaan hawsha ay qabatay awgeed.

Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada Axmed Diiriye Toorno iyo Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Abdillaahi Axmed, ayaa iyaguna ka hadlay muhiimadda qaybta lagu kordhiyey Waadhka Umulaha iyo Daryeelka Haweenka ee Usbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanay bogaadiyeen Wasaaradda Horumarinta Aafimaadka.

Gebogabadii, Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inay Wasaarad ahaan xil weyn iska saarayaan daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka iyo guud ahaan hawlaha Caafimaadka ee ay Qaranka Masuulka uga tahay Wasaaraddu.

Warbixinta warkan oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.